Daahfurka Mashaariicda Hormarineed ee magaalada Bossaso.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowlada Puntalnd . Abdulkadir Sheikh Mohamoud oo waheliyo Kusimaha Agaasimaha Waaxda Hubinta Tayada Dhismayaasha Dowladda #EngFarahAbdullahiCartan ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu daahfuray mashaariicda horumarineed ee magaalada Boosaaso, kuwaas oo ay ka mid yihiin Qorshaha Guud ee Magaalada (Town Plan), Horumarinta Xeebta iyo Beachfront Corniche, iyo Dhismaha iyo Horumarinta Waddooyinka Magaalada.

. Bosaso: 18-Aug-2026: Daahfurka Mashaariicda Hormarineed ee magaalada Bossaso

Agaasimaha Guud ayaa bogaadiyey hal-abuurka, dadaalka iyo abaabulka horumarineed ee Dowladda Hoose ee Boosaaso, isagoo ku dhiirrigeliyey maamulka degmada inay sii wadaan dadaallada lagu horumarinayo magaalada, isla markaana mashaariicda lagu saleeyo qorshe iyo baahiyaha bulshada.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay degmooyinka kale ee Puntland inay kaga daydaan Boosaaso hal-abuurka, abaabulka iyo dadaallada horumarineed, ayna diyaariyaan mashaariic ka jawaabaya baahiyaha bulshada, kuna salaysan qorshayaasha horumarinta Dowladda Puntland ee heer degmo.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ugu baaqay ganacsatada, qurbo-joogta iyo dhammaan bulshada degmada Boosaaso inay garab istaagaan Dowladda Hoose, kana qayb qaataan hirgelinta mashaariicdan muhiimka ah, maadaama horumarinta magaaladu ay tahay masuuliyad wadajir ah oo u baahan iskaashi iyo isku-tashi.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *