Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo agasimayasha Wasaradaha Qorshaynta,Deganka Iyo Arimaha Gudaha iyo agaasimaha Korjoogtaynta Mashaariicda Madaxtooyada Puntland, uuna wahelinayo Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr.
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa kormeer ku tegay xeebta magaalada Boosaaso, gaar ahaan goobta loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Mashruuca Horumarinta Badda Horteeda ee Boosaaso iyo ansixinta nashqada mashruuca Hormarinta adkaysiga xeebaha (Bosaaso Waterfront Development Project – Corniche).
Kormeerka kadib, masuuliyiintu waxay yeesheen shir muhiim ah oo si rasmi ah loogu soo bandhigay mashruuca, laguna falanqeeyay qorshihiisa, muhiimaddiisa iyo doorka uu ka qaadan karo horumarinta bilicda magaalada, adeegyada bulshada iyo ka faa’iidaysiga xeebta Boosaaso.
Shirka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso Maxamuud Cabdullaahi Axmed (Kawte), Agaasimayaasha Waaxyaha Dowladda Hoose, Agaasimayaal ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka, Madaxda Mashruuca, Injineerro iyo masuuliyiin kale.
Mashruucan oo lagu magacaabo Sinnaan waxaa fulinaysa Hay’adda DT Gobol, waxaana maalgelinaysa Boqortooyada Ingiriiska, waxaana loo arkaa mid muhiim u ah qorshaha
casriyeynta magaalada, qurxinta xeebta iyo abuurista goob adeegyo iyo nasasho oo bulshada iyo dalxiisayaashu si wanaagsan uga faa’iidaysan karaan



