Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid
Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray wajiga koowaad ee
wadada laamiga dheer ee isku xirata Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo
si casri ah loo dhisay.
Wadada laamiga ah ee Bacaadweyn-Gaalkacyo qeybta xariga laga jaray ee la
dhameystiray ayaa ah 20-KM oo isu mara deegaannada Heemo, Cagaaran, Horogle iyo
laanta-dusmada, Dowladda ayaana mashruucan ku hirgelisay cashuurtii dadka oo dib
loogu celiyay dalka si loo horumariyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Puntland.
13Km, oo ka mid ah 20-ka Km waxaa dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco
Construction Co, halka 7km, ee kale ay dhistay Shirkadda Wadaniga ah ee Albaashi.
Madaxweynaha, oo ay weheliyeen masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda,
maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo, ayaa warbixin ka dhegaystay
masuuliyiinta Wasaaradda Hawlaha Guud, Hay’adda Waddooyinka Puntland,
injineerrada iyo hawl-wadeennada shirkadaha dhisay Wadada, wuxuuna kula
dardaarmay in lasii dardargeliyo shaqada, lana dhamaystiro wejiga Labaad ee harsan oo
isna dhan 20Km.




