Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni oo waheliyo wasiirka wasaaradda Howlaha guud gaadiidka iyo Gurieyeynta mudane Farah awad Jama iyo wasiirka kuxigeenka wasaradda Mudane Abdulkadir maxamed gaylan , ayaa si ramsi ah u daahfuray mashruuca biyo saar Galkacyo, Iyagoo ay waheliyaan Qaar kamid xubnaha golaha xukuumada iyo Golaha Shacabka.
tallaabadaasi oo hirgalkeedu uu noqonaayo mid ka mid mashaariicdii ugu weynayd oo laga hirgaliyo Puntland, gaar ahaanna magaalada.
daahfuridda mashruuca biyo saarka magaalada Galkacyo ayaa maanta ka socda magaalada Gallacyo, kaasoo ay qaban-qaabiyeen guddiga hormarinta Galkacyo.
Dhaqaalaha Loogu talagalay biyo saarka magaalada Galkacyo, laguna sameeyo nidaam socodsiiya qulqulka biya, waa mid isku tashi oo ay iska kaashanayaan dawladda iyo dadweynuhu.



