Garoowe: 06-Aug-2026: Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta ee Dowladda Puntland Mudane #H.E Faarax Cawad Jaamac oo uu waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane #AbdulkadirshiikhMohamoud iyo Madaxda kale ee wasaaradda ayaa kulan la qaatay wafdiga ka socda hay’adaha IOM, UNDP iyo UNHABITAT oo qeyb ka ah fulinta Mashruuca Saamaynta wajigiisa 2-aad.
Kulanka waxaa lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray hirgelinta mashruuca, caqabadihii la wajahay, iyo fursadaha lagu sii xoojin karo iskaashiga iyo isku-duwidda u dhexeysa hay’adaha dowladda, kuwada Qaramada Midoobay iyo Dowladda Hoose ee Boosaaso.
Ugu dambeyn Madaxda Wasaaradda iyo Madaxda Hayaduhu waxaa la iskuracay in la dardargeliyo wejiga xiga ee mashruuca si looga hortago dib u dhac kasta, Waxaa la isku raacay in la xoojiyo hirgelinta hawlaha si qaybaha nugul ee bulshada ay uga faa’iidaystaan sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo lagu salaynayo baahiyaha dhabta ah ee ay bulshadu soo gudbisato, Mudnaanta lasiiyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dib-u-dejinta barakacayaasha nugul ee u baahan xalal degdeg ah.
Posts
