HAY,ADDA PHA OO U SAXIIXDAY SHIRKADDA ISXILQAAN DHISMAHA WADADA GAROWE IYO GAALKACYO

Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) ayaa maanta u saxiixday heshiiska dhismaha laamiga dheer ee isku xira Gaalkacyo iyo Garowe Shirkaddaha ISXILQAAN oo ku guulaysatay tartankii qandaraaska dhismaha wadadaan, Ka dib munaasabad maanta ka qabsoontay xarunta Wasaarada hawlaha guud, Gadiidku  iyo Guryaynt ku leedahay magaalada Garowe.

Mashruuca lagu dhisayo laamiga dheer ee isku xiraya Garowe iyo Gaalkacyo ayaa laga dhursugayay muddo dheer, wuxuuna u muuqdaa mid si rasmiya hadda loo guddo galay.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *