Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay dhagax dhiga dhismaha Waddada Cimaad oo la dhisayo Galbeedka Magaalada Garowe.

Garowe, 01-09-2024:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay dhagax dhiga dhismaha Waddada Cimaad oo la dhisayo Galbeedka Magaalada Garowe.

Dhagax dhigaan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Wasiiro, Maamulka Degmada iyo Marti sharaf kale, iyadoona dhismaha Waddadaan ay Maalgelinayso Shirkada cimaad ay dhisayso shirkada TTN Construction oo ka mid ah shirkadaha ka hawl gala geyiga Soomaalida.

Waddadaan oo dhererkeedu Gaadhayo 1.6km ayaa hada la bilaabay dhismaheeda iyadoona shirkada dhisaysa ay sheegay in muddo 30 cisho gudahood ah lagu soo gabagabayn doono dhismaha Waddadaan.

Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in Wasaaraddu Kormeer joogta ah ku samayn doonto, Isagoona Masuuliyiinta Shirkada kula dardaarmay Tayeyta dhismahaan oo muhiim u ah Bilicda iyo waxsoosaarka Magaalada Garowe ee Caasimada Dowladda Puntland.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *