Garowe, 07-09-2024:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa hoolka Wasaaradda Hawlaha guud kulan kula qaatay Injineeradda gacanta ku haya naqshada Biyo ka saarista Magaalada Gaalkacoyo.
Kulan kaan oo ay hormuud u ahaayeen Injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud aya waxaa qayb ka ahaa Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland, shirkadda Al-Baashid, shirkadda TTN, shirkada Kebarco, iyadoona diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka biyaha Roobabka ee Magaalada Gaalkacyo dhex fariista.
Injineeraddan ayaa Agaasimaha guud u soo bandhigay qorshe hawleedyo xal looga gaarayo Biyaha Magaalada ku qulqula sidoo kalena la wadaaagay Naqshada Biyo ka saarista Magaalada oo heer gabagabo ah maraysa, dhowaana usoo bandhigidoonan si Faahfaahsan.
Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa Injineeradda kula dardaarmay in la dardargeliyo qorshahaan, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda injineerrada iyo shirkadaha ka qayb qaadanaya mashruuca.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.























