Agaasimaha guud ee wasaaradda Howlaha guud gaadiidka iyo Guriyeynta Dawladda Puntland mudne Abdulkadir sheikh mohamoud ayaa maanta magaaladda “Magaalada Badhan Ee Gobolka Sanaag Ka Daahfurayey Wajiga 1AAD Ee Furidda Wadooyinka iyo Nashqadaynta Degmada Badhan, Waxaana iska kaashanaya Dowladda hoose Ee Degmada badhan,Hay’adda Kaalo, wasaradda rimaha gudaha iyo bulshada Degmada badhan. Waxaana furitaanka Kulanka qayb ka ahaa Wasiirka Deegaanka daaqa iyo isbadelka cimilada, mudane caydaruus ahmed farah, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, mudane Cali xuseen, Taliye qaybta gobolka Sanaag, Mayorka casimada badhan , xildhibanadda Golaha deegaanka iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA HOWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DOWLADDA PUNTLAND.
