Mashruucan waxaa hirgelinaysa Dowladd Puntland Gaar ahaan wasaaraddaha laleh wadashaqaynta iyo qiimeynta Mashruuca, waxaana fududeynaya Sinaan Programme ee DT Global, iyadoo uu maalgelinayo Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Boqortooyada Ingiriiska (FCDO).
Furitaanka qandaraasyadu wuxuu u dhacay si hufan oo waafaqsan habraacyada qandaraas furista, iyadoo la sheegay in tartanku yahay mid daah furan oo lagu kala saarayo shirkadaha ka qaybgalaya aqoontooda, khibraddooda iyo tayada dalabyadooda.



