Wafdiga waxaa hoggaaminayay Gudoomiyaha boorka hay’adda waddooyinka Puntland (PHA) Ahna
Wasiirka Wasaradda howlaha guud gaadiidka iyo Guriyeynta, mudane Faarax Cawad Jaamac
Wasiirka maaliyadda, Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiirka qorsheynta, Yuusuf Maxamed Maxamuud Barre Faatax, Agaasimaha Madaxtooyada Puntland, Caarshe Maxamed Siciid iyo Agaasimaha guud ee Bangiga Puntland, Faysal Cabdullaahi Warsame Murcanyo.
Sidoo kale wafdiga waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Gargaarka, Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Green, Guddoomiyaha PHA, Cabdititaax Sugulle Guddoomiye ku-xigeenka PHA, Cabdirisaaq Xayir iyo Maamulaha shirkadda Kebarco, Faysal Baaburaqiis.
Wafdiga ayaa intii ay kormeerka ku jireen la kulmay maamulada iyo bulshada deegaannada Margaaga, Bacaadweyn, Cagaaran iyo Horogle. Dadweynaha ayaa dowladda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay dhismaha waddada Bacaadweyn ilaa Gaalkacyo, taas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo koboca ganacsiga gobolka.


