Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiika Puntland oo ku baaqay in dib xaliyo isfahanka Gaadiidlayda iyo Baraha Kantoroolada

70-ruux oo ka kala socda Wasaaraha Maaliyada, Gaadiidka, Laamaha Taraafikada Gobolka iyo hay,adaha Xog aruurinta ee Gobolka ayaa waxaa uu ka dhacay xaruunta wasaarada Howlaha Guud iyo Gaadiidka waxaana lagu baranayey sidii loo meel marin lahaa is Fahanka laamaha dakhli aruurinta iyo gaadiidlayda Gobolka.

Wasiirka Howlaha Guud iyo gadiidka ee Puntland Daahir Khaliif ayaa waxaa uu goobta uu Tababarku ka furmay ka sheegay in ay jiraan cabashadooyin is daba joog ah oo ay inta badan muujiyaan gaadiidlayda ka hor inta aan la gaadhin wakhti canshuur aruurinta waxaana uu ugu baaqay qolyihii Canshuuraadka ee tababarka joogay in ay arinaasi yareeyaan.

Daahir khaliif ayaa sidoo kale waxaa uu sheeay in dareewaliinta ay xaq u leeyihiin in aan wax lacag ah laweydiin ilaa ay gaaraan meeshii ay rakaabka u ahaayeen hadalkaan ayaa wasiirka howlaha guud iyo gaadiidku waxaa uu ku micneeyey in gaadiidka ay caqabad kala kulmaan baraha kantoroolada.

Goobaha kaantaroolada ayaa inta badan waxaa lagu celiyaa baabuurta baxaysa ama kuwa soo geliya iyagoo lagu amro in ay bixiyaan Canshuur Taasina waa caqabada koowaad oo gaadiidlayda ku kalifta in ay ka niyad jabaan howlahooda shaqo, waxaana wasiirku arintaasi ku Tilmaamay mid hoos u dhigi karta xiriirka ka dhexeeya howlaha guud iyo dareewaliinta waxaana uu dareewaliinta ugu baaqay in ay in ay iyagu Masuuliyad isa saaraan.

Magaalada Garoowe dhowaan waxaa ka socday mudaharaadyo ay bilaabeen gaadiidlayda Gobolka gaar ahaan kuwa u shaqeeya hay,adaha kuwaasi oo cabasho ka muujinayey Lacag la sheegay in ay canshuurta ka horayso, oo ay soo rogtay wasaarada maaliyada waxaana ay ka mid Tahay waxyaalaha laga haatan walaaca laga muujinayo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *