Wasaarada Howlaha Guud & Gaadiidka Puntland oo Mamnuucday Darawaladda billaa laysinka ah

Wasaaradda howla guud iyo Gaadiidka Maamulka Puntland ayaa sheegtay in ay wado qorsheyaal la doonayo sidii guud ahaan Puntland oo dhan looga Mamnuuci lahaa Darawalada aan heysan sharciga Wadadista Gaadiidka ee Laysin loo yaqaano. Howshan arintaasi lagu Mamnuucayo ayaa waxaa la shaagay in si rasmi ah loo bilaabi doono kowda bisha June ee soo socota iyadoo cidii sharcigaasi dhaqan gelin waysana la sheegay in talaabo laga qaadi doono. Taliyaha ciidanka nabad galyada wadooyinka Puntland Col. Axmed Cabdi Cali (Qalyare), oo la hadlay qaar ka mid ha Warbaahinta waxaa uu  sheegay in go’aankaan uu yahay mid la doonayo sidii uu uga dhaqan gali lahaa  dhammaan gobolada Puntland,iyo Degmooyinka Puntland. isagoo sheegay inuu amarkaan saamayn cid oo darawal ah. Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay  in darawal kasta iyo caawiyihiisa laga rabidoono inay haystaan kaarka aqoonsiga si loo muujiyo darawalku inuu yahay muwaadin reer Puntland ah oo leh mas’uuliyad qofeed. Go’aankaan cusub ayaa looga dan leeyahay in lagu xakameeyo shilalka gaadiid ee ka dhaca gudaha Puntland, kuwaas oo loo aaneeyo qibrada xumada iyo mas’uuliyad darrada darawaliinta. Sanad kasta daraasiin dad ah ayaa naftooda ku waaya shilal gaadiid oo ka dhaca wadada dheer ee isku xirta Gaalkacyo iyo Bosaso, Waxaana ugu dambeeyay shilkii todobadii bishaan ka dhacay inta u dhexeysa Garowe iyo tuulada birta dheer, halkaas oo ay ku dhinteen 4 ruux oo shacab ah. Hase ahaatee Arintan ayaa waxaa la sheegay in ay tahay mid la doonayo sidii guud ahaan loogan hortagi lahaa shilalka Gaadiidka oo beryahan Dambe si xowli ah ugu soo badanayay Qaar ka mid ah Magaalooyinka Puntland. – See more at: http://wacaal.com/2015/05/138575/#sthash.EbFK1zbp.dpuf

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *