Garowe, 30-03-2024:
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Kormeer shaqo ku yimi xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland ee magaalada Garoowe waxaana halkaas ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Farah Awad wasiir ku xigeenka Cabdulqaadir Geyland, Agaasimaha Guud Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud iyo dhammaan Hawl waddeennada kale ee Wasaaradda Hawlaha Guud.
Maraxweynaha ayaa kormeeray:
1.Waaxda Maamulka.
2. V-PRA.
3. Waaxda Taya-dhowrka.
4. Waaxda Dhismaha.
5. Waaxda Qorshaynta.
Oo dhammaantood ay ka socoto shaqooyinkii maalin laha ahaa ee loogu adeegaayey Bulshada Reer Puntland, sidoo kale Madaxweynaha aya indho-indhayn ku sameeyey Qalab cusub oo Wasaaradda dhowaan lagu soo kordhiyey kaas oo ah shaybaarka dhismayaasha.
Intii uu Madaxweynuhu ku guda jiray kormeerkan waxa uu kaga dhegaysatay warbixino ku salaysan habsami u socodka shaqada Wasaaradda, Tabashooyinka iyo waxqabadyadii Wasaaradda Masuuliyiinta iyo Hawl wadeennada kala duwan ee Wasaaradda.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA BULSHADA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.






















