Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo uu weheliyo Wasiirka Howlaha guud Faarax Cawad Jaamac ayaa maanta daah-furay wejiga 1-aad ee dhismaha Wadada Birta-dheer iyo Xaar-xaar, oo 5-tii KM ee u horeysay la dhamaystiray.

Dhismaha wadadan ayaa lagu dhisayaa Barnaamijka Dowladda ee iskutashiga iyada oo kharashkeedana laga bixinayo qasnada Dowladda Puntland taas oo muujinaysa sida ay dowladdu uga go’an tahay in Cashuurtii Shacabka laga qaaday dib loogu dhisayo Dalka.

Mashruuca wadada waxa fullinaysa Shirkadda Wadaniga ah ee Kebarco Construction oo kaashanaysa Hay’adda Waddooyinka Puntland ee (PHA) iyo Wasaaradda Howlaha Guud, waxaana uu qorshuhu yahay in la dhameystiro in ka badan 40KM oo dhexaysa deegaannada Birta-dheer iyo Xaar-xaar ee Gobolka Nugaal,tani waxay qeyb ka tahay dayactirka iyo dib u dhiska Wadada Garoowe-Gaalkacyo.

Daah-furka waxaa sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ku weheliyey Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, Ku-simaha Wasiirka ahna Ku-xigeenka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Guddoomiye ku xigeenka Degmada Garoowe, guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka, Masuuliyiinta Shirkada Kebarco, Maamulka Deegaanka Birta Dheer, Nabadoono iyo masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *