Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland W/Maaliyadda.

Xarunta cusub ee Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ayaa ah dhisme ka kooban saddex dabaq, waxaana markii ugu horreysay tan iyo aasaaskii Dowladda Puntland sanadkii 1998 ay Xisaabaadka Guud yeelanayaan xarun u gaar ah oo casri ah. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda oo lagu sameeyey dib-u-dhis ballaaran, laguna kordhiyey dhismayaal dheeraad ah

Munaasabadda xarig-jarka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxda Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *