Wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland ayaa shaaca kaqaaday in guud ahaan aan la iibin karin gaadiidka dowladda ee ay ciladuhu soo gaaraan, waxaana tallaabadaasi ay sheegtay inay ku yaraynayso shaqaalaah lagusoo iibiyo gaadiidka wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda.
Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi wasiirka wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka dhulka ee dowladda Puntland oo kahadlayey munaasabad ay ku wareejinayeen gaadiid la dayactiray ayaa sheegay in shaqaalaha wasaarada u qaabilsan dayactirka gaadiidku ay ku guulaysteen inay dib u howlgeliyaan labada gaari oo uu sheegay inay horay fadhiid u ahaayeen.
Dhinaca kalena wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu soo saartay wareegto ay ku mamnoocayso in gaadiidka dowladda ee hallaaba aan lacago yar lagu iibin Karin, wuxuuna wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee dowliga ah ugu baaqay inay gaadiidkooda wasaarada keenaan

