Wasaarada Hawlaha Guud Oo Soo Saartay Xeer Midaynaya Shirkadaha Dhismayaasha Puntland

Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Gaadiidka Dawlada Puntland ayaa Maanta Soo Gabagabaysay aqoon si weydaarsi Soconayay Mudo AFar Cisho.

Tabarkaan oo ujeedkiisu ahaa Sidii Xeer Mideeya Shirkadaha Kahawlgala Puntland looga Samayn lahaa ayaa Waxa Lagu Qabtauy Xarunta Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Gaadiidka Wxaana ka Qeyb Galay wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Gaadiidka Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed Xirsi .

Ugu horeyntii Waxa Xiritaanka Tabarkana Ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi qaadir sheikh Maxamuud waxana uu sheegay in Xeerka lo sameeyay shirkadaha Dhismooyinka puntland uu yahay Mid muhiin ah ayna ku saxmi karto bilicda iyo hagaajinta Guryaha laga dhisayo Magaalooyinka Waa weyn Ee Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ayaa ku booriyay Engneeradii Tabarkan loo sooxiray ay Ku shaqeeyaan ayana ka qeyb qaataan Bilicda Dhimayaasha Ka socda Puntland haday ahaanlahayd Dhismaaysha Guryaha Wadooyinka iyo Waxwalba oo uu anfacauyo Xeerkla Maanta ay Tabarkiisa Soo Gabagabeeyeen.

Wasaaradd hawlaha Guud iyo Gaadiidka ayaa Mudooyinkii u dabeeyay ayaa waxa ay waday sidii xeer Mideeyay Loogu Smayn lahaa shirkadaha ka shaqeeya Degaanada Puntland.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *