Gaalkacyo, 26-08-2024:
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Geylan iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa maantay kormeeray goobaha ay shaqada biyo saarka Magalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka socoto.
Waftigaan ayaa waxaa sidoo kale kamid ahaa wasiiro, qaarka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Dowlada Puntland, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo qaar kamida xildhibanada goloha Deegaanka, waxa ayna tagay goobo kamida meelaha ay Biyuhu fariisan jireen oo ay shaqo ka wadaan Injineeradda Wasaaradda oo maalmihii la soo dhaafay ku hawlanaa xal u helida Biya Roobabka ee Magaalada dhexdeeda fariista.
Cabdulqaadir Geylan wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa Injineeradda Gacanta ku haya shaqadaan uga mahadceliyey sida ay milicda ugu taagan yihiin U adeegida Bulshada isagoona kula dardaarmay in shaqadaan la dardargeliyo fulinteeda.
----------DHAMMAAD-------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.




























