Garowe, 26-08-2024:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud oo soo xidhay Tababarka Maamulka Dhulka loo dhan yahay oo ka socday Hoolka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Magaalada Garowe.
Tababarkaan oo loo qabtay qaar ka mid ah injineeradda ka hawl gala Magaaliyinka Puntland ayaa diiradda saarayey sidii loo horumarin lahaa Maamulka Dhulka iyo sidii loo heli lahaa dhul la wada leeyahay oo si wanaagsan loogu adeegayo bulshada Puntland.
Tababarkaan waxaa Wasaaradda ka taageeray Hay’adda UN-HABITAT iyo Dugsiga (Huge Academy for Local Governance, Holland) oo ka taageera Dowladaha hoose sidii ay u horumarin lahaayeen Maaamulka iyo adeegyada Bulshada. Taageerada ay bixiso Huge Academy waxaa ka mid ah:
- Tababaro Joogto ah:
- Hagitaan iyo La-talin:
- Cilmi-baaris iyo Horumarinta:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud oo xidhay Tababarkaan oo si gaar ah u xusay muhiimada tababarkan iyo sida uu uga qayb qaadan doono horumarinta Maamulka Dhulka ee Puntland ayaa Injinneeraddii loo qabtay tababarkaan kula dardaarmay in ay weeleeyaan aqoontii iyo xirfadaha cusub ee ay ka heleen tababarka, uguna addeegaan Bulshada si hufan.
Mudane Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa sidoo kale u mahadceliyay Hay’adda UN-HABITAT iyo Dugsiga Huge ee Dalka Holland taageeradooda iyo ka qaybqaadashadooda tababarkaan.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.






































