Wasiir Ka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland mudane Faarax cawad jaamac , Gudoomiyaha hayadda wadooyinka Puntaland, Mudane Abdifataax sugule, iyo duqa degmada iskushuban, ayaa shalay si rasmi ah xarigga uga jaray dalcadda kalaale ee iskuxirka gobolada bari iyo raascasayr,cabbirkeeduna dhan yahay 600m.
waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Dalacada Kalaale oo Sannadkan la dhisay, Dalacada kalaale oo ah marin muhiim ah oo isku xira Gobolada Bari iyo Raascasayr, Marina u ah Degmooyin iyo Deegaamo badan, waxaa soo gaaray burbur ay gaartay in gaadiidkii mari waayeen kadib markii dadkii waddada maraayay iyo deegaanku ay soo gudbiyeen waxaa la fuliyay Dhismaha Dalacada Kalaale ee deegaanka Gargoore Degmada Iskushuban ee Gobolka Bari Waxaana iska kaashaday Fulinta Mashruuca oo ay iska kaashadeen Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland iyo Hay’adda WFP cabirkeeduna dhanyahay 600m.
Munaasabadda xarig-jarista waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Hawlaha Guud, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Degmada Iskushuban Bari iyo injineerada hayadda wadooyinka.
Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Faarax Cawad ayaa si rasmi ah xariga uga jaray Dhismaha Dalacada ugana mahadceliyay Hay’adda wadooyinka iyo Hay’adda WFP mashruuca qiimaha leh ay iska kaashadeen
Sidoo kale Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Dr. abdifataax Sugule ayaa uga mahadceliyey madaxdii ka soo qayb gashay, isagoo Xusay Muhiimada Dhismaha Dalacadan kutaal marinka muhiimka ah.
Dhammad;
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha;
Wasaarada Howlaha-Guud, Dowladda Puntland.











