Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Puntland mudane Cabdulqaadir Abdulqadir Gaylan oo xarigga ka jaray mashruuca dhigista Dhagaxa Marmarka ah ee barxadda Suuqa Xero Dayax, oo cabbirkiisu dhan yahay 10,000m².

aalkacyo; Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland mudane Cabdulqaadir Abdulqadir Gaylan, Duqa Degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Dacad, iyo Guddiga Ganacsatada Suuqa, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray mashruuca dhigista dhagaxa marmarka ah ee barxadda Suuqa Xeero Dayax, dhul cabbirkiisu dhan yahay 10,000m².

Munaasabadda xarig-jarka oo ka dhacday gudaha suuqa ayaa waxaa ka qayb galay ku-simaha Xoghayaha Dowladda Hoose, Cabdiwaaxid Cabdulqadir, Agaasimaha Waaxda Hawlaha Guud ee Dowladda Hoose, Injineero ka tirsan degmada, maamulka Shirkadda Shaam, iyo masuuliyiin kale. Mashruucan ayaa ka mid ah qorsheyaasha horumarineed ee Dowladda Hoose ay ka waddo magaalada, waxaana si wadajir ah uga shaqeynaya Guddiga Ganacsatada Suuqa iyo Dowladda Hoose.

Duqa Degmada Gaalkacyo, Maxamed Cabdirisaaq Warsame, ayaa sheegay in barxaddani ay tahay mid muhiim u ah kobcinta ganacsiga, hagaajinta nadaafadda, iyo bilicda guud ee magaalada. Wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyey ganacsatada suuqa dadaalkooda iyo kaalinta mugga leh ee ay ku bixiyeen hirgelinta mashruucan.

Dhankiisa, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay garab taagan tahay dadaallada horumarineed ee ka socda degmooyinka, isagoo maamulka degmada iyo ganacsatada ku ammaanay tallaabada horumarineed ee muuqata ee ay qaadeen.

…………………..DHAMMAAD……………………….

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *