Garoowe: 22-Sep-2025: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud gaadiidka iyo Guriyeynta ee dawladda Puntland Hon Faarax cawad jaamac ayaa kaqaybgalay fadhiga ansixinta yoolasha iyo waxqabadka istaraatiijiga ah ee tiirka horumarinta Dhaqaalaha iyo arimaha Bulshada ee geeddi-socodka diyaarinta qorshaha 4-aad ee horumarinta Puntland (#PDP⁴2026-2030).
shirka waxaa kuwaheliyey oo kala qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha guud gaadiidka iyo guriyeynta Mudane Cabdulkadir shiikh maxamuud iyo agaasimaha waaxda qorshaynta eng Cabdimaalik cismaan aadan iyo madaxa iskuxiraha mashariicaha iyo dhismayasha mudane abdullahi alinor ahmed iyo howl wadeenada kale oo wasaaradda hawlaha guud.
Kulamadaas waxaa lagu falaanqeeyay muhiimad-siinta tiirarka horumarinta Dhaqaalaha iyo arimaha bulshada oo ah labo qodob oo qayb ka ah shanta tiir ee lagu salaynayo diyaarinta qorshaha horumarinta, iyada oona lagu soo bandhigay waxyaabaha hortabinta uleh arimaha bulshada iyo xaaladda dhaqan dhaqaale bulshada Puntland, caqabadaha jira, fursadaha iyo raadinta xal-waara oo ka turjumada noloshada dhabta ee Puntland miyi iyo magaalaba.
Dhanka kale agaasimaha guud ee wasaaradda hawlaha Guud gaadiidka iyo Guriyeyeynta ee dawladda Puntland Mudane abdulkadir shiikh maxamuud ayaa Kaqaybgalay fadhiga ansixinta yoolasha iyo waxqabadka istaraatiijiga ah ee tiirka Maareynta Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada oo kamida tiirarka diyaarinta geeddi-socodka qorshaha 4-aad ee horumarinta dawladda Puntland (PDP⁴ 2026-2030).
Kulanka waxaa lagu falaanqeeyay caqabadaha hortaagan maareynta Isbadelka Cimilada, xalkooda, iyada lagu saleynayo baahiyada dhabta ee muujinaya jaantuska xog aruurin laga sameeyay degmooyinka deegaanada Puntland, kaas oo ka turjumaya nolosha dhabta ah ee bulshada.
Shirka waxaa ka qaybgalay Wasaadaraha Ganacsiga, Warfaafinta, Tamarta iyo Macdanta, Maaliyadda, Xannaanada Xoolaha, Beeraha iyo Waraabka, Kaluumaysiga, Duulista Hawada, Dekedaha Xafiiska Hantidhowrka Guud, Bangiga dowladda, Madaxtooyada Wakaaladda Tamarta, hay’adda Waddooyinka.
……………………DHAMMAAD……………….
Baahinta: Xafiiska Warfaafinta Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guriyeynta ee Dowladda Puntland.











