Garowe: 20 September 2025: Wasaaradda Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah u furtay Shirka Saadaasha Cimiladda Puntland (Puntland Climate Outlook Forum – PCOF), oo sanadkaan lagu falanqeynayo saadaasha roobka iyo xaaladaha cimilada, iyadoo la isku duba-ridayo qorshayaasha ka hortagga khataraha abaaraha iyo isbeddelka cimilada.
Furitaanka shirka waxaa si rasmi ah ufuray Wasiirka Deegaanka Mudane Mohamed Abdirahman Mohamad ayaa dul-istaagay muhiimadda xogaha saadaasha cimiladu ay u leeyihiin qorsheynta waxqabadka iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha kala duwan.
Madaxa Mashaariicaha iyo Hormarinta Mudane Abudullahi Alinor Ahmed Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka ayaa soo jeedisay bandhig (presentation) ku aaddan:
“Saameynta Roobka Guga ku yeeshay Kaabayaasha Dhaqaalaha.”Bandhiggan ayaa si faahfaahsan u falanqeynaya sida roobabka xilliga guga ay u saameeyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland, oo ay ka mid yihiin waddooyinka, buundooyinka, dekedaha, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Waxa lagu soo bandhigay xog cad oo muujinaysa burburka iyo dhaawaca kaabayaasha ee ka dhashay fatahaadaha iyo roobabka xooggan, iyo sida ay saameyn ugu yeesheen dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka waxay soo jeedisay talaabooyin iyo qorsheyaal lagu xoojinayo kaabayaasha dhaqaalaha si loo yareeyo saameynta taban ee roobabka, iyadoo la xoojinayo qorsheynta iyo dayactirka kaabayaasha si loo hubiyo in mustaqbalka ay u adkeysan karaan xaaladaha cimilada ee isbeddelaya.
Shirkan oo hal-ku-dhegiisu yahay “Dhisidda awood wadajir ah si Puntland loogu diyaariyo ka hortaga khataraha cimilada iyo abaaraha soo noqnoqda, ayaa waxaa ka soo qaybgalay wakiillo ka socda wasaaradaha, bulshada rayidka ah, khubarada cimilada, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo ka hortagga khataraha dabiiciga ah.
Gebogebada shirka, waxaa lagu soo jeediyay talooyin iyo qodobbo muhiim ah oo ku saabsan sidii Puntland loogu diyaarin lahaa xilliga dayrta 2025, kaas oo saadaashu muujinayso in roobabku yaryahay. Waxaa la isla gartay in xogaha saadaasha iyo falanqaynta khubaradu noqdaan tiir muhiim ah oo lagu saleeyo qorshayaasha horumarinta, gurmadka iyo yareynta khataraha cimilada.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha







