Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland , Mudane Farah Awad ayaa Magaaladda Nairobi kulan miro-dhal ah kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda UN-Habitat ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Nairobi.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Duqa Magaalada Boosaaso Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, iyo Eng Abdifatah waxaana shirka lagu lafaguray arrimo khuseeya horumarinta magaalooyinka iyo iskaashiga labada dhinac.
Kulamadaas waxaa lagu falaanqeeyay Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UN-Habitat iyo muhiimad-siinta horumarinta magaalooyinka puntland gaar ahaan casriyeynta magaalada bosaaso iyada oo lagu salaynayo diyaarinta qorshaha horumarinta, iyada oona lagu soo bandhigay waxyaabaha hortabinta uleh arimaha bulshada iyo xaaladda dhaqan dhaqaale bulshada Puntland, caqabadaha jira, fursadaha iyo raadinta xal-waara oo ka turjumada noloshada dhabta ee Puntland miyi iyo magaalaba.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey UN-Habitat taageerada ay si joogto ah u siiyaan Puntland, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta lagu horumarinayo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee magaalooyinka Puntland.




