Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dowladda Puntland oo booqday Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan hoygiisa uu kadaganyahay magaalada badhan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland , oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Badhan, ayaa booqasho ugu tegay hoyga uu Magaaladda ka degan yahay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Booqashada Wasiirka waxaa ku wehliyey wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland, kuwaas oo qayb ka ahaa wafdiga uu hoggaaminayay. Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Suldaanka ayaa ku qotomay wadatashi, is xog waraysi iyo xoojinta wada shaqaynta Dowladda iyo dhaqanka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *