Garowe, 24-08-2024:
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud oo uu weheliyo Eng Maxamuud Xasan oo ka tirsan Masuuliyiinta Sare ee Hay’ada UN-HABITAT Ayaa hoolka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Magaalada garowe ka daahfuray Tababarka Maamulka loo dhan yahay oo ay soo qaban qaabiyeen Injineeradda Wasaaradda waxaana loo qabtay qaar ka mid Injineeradda ka hawl gala Magaaliyinka Puntland.
Tababarkaan oo Socon doon muddo saddex cisho ah ayaa diirada lagu saarayaa Maamulka Dhulka loo dhan yahay iyo sidii loo heli lahaa Dhul la wada leeyahay si loogu adeego Bulsha weyn Puntland.
Bix8nta Tababarkaan waxaa Wasaaradda ku weheliyey Hay’adda UN-HABITAT iyo Dugsiga Huge oo ah Dugsiga Tababarada Dowladaha hoose ee Dalka Holland, kaas oo Dalalka badan oo ka mid ah Africa ka Taakuleeya Bixinta Tababaro joogta ah isla markaasna loogu hagayo Dowladaha Hoose.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.





















