Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Mudane Farah Awad Jama oo Xafiiskii ku qabtay shir looga hadlaayo Dhismaha Waddada Isku xidha Deegaanka Yaka-Yaka iyo Degmada Shaxda ee Gobolka karkaar.

Garowe, 04-08-2024:

Wasiirk Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo ay weheliyaan Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Cabdulqaadir Geylan iyo agaasimaha Guud Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud ayaa kulan looga hadlaayo dhismaha Waddada isku xidha Deegaanka Yaka-Yaka iyo Degmada Shaxda la qaatay Wasiir Dowlaha Madaxtooyada Puntland, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland {PHA}iyo Qaar ka mid ah Masuuliyiinta Sharkadda Dhismaha Al-Bashid.Kulankaan oo saacado badan qaatay ayaa lagu falaanqeeyey qorshaha dhismaha waddada Yaka Yaka, iyo Deg. Shaxda oo ah mashruuc muhiim u ah Kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaana sahlaya isu socodka Gaadiidka isticmaala waddada u dhaxaysa MagaalooyinkanMashruucan ayaa rajeynayaa in uu noqdo mid guul leh oo kaalin weyn ka qaata horumarinta Degmada Shaxda iyo nolosha Dadka ku nool.XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *