Garoowe: 07 April 2024:
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland, Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ka qaybagalay Shirka Agaasimayaasha Guud ee Hay’adaha Dowladda oo uu shir gudoomiyay Madaxweyne Ku-xigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Mudane Ilyaas Osman Lugatoor.
Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayey dar-dargelinta hawl-fulinta Hay’adaha Dowladda, dib u qaabaynta hannaanka shaqo, soo bandhigida Barnaamijka Xukuumadda ee 2024-2029 iyo sidii loo meel marin lahaa.
Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay qorshe hawleedka 2024, kobcinta dakhliga, Midnimada bulshada reer Puntland iyo Mawqifka Dowladda Puntland ee ku aadan Dowladda Federaalka ah iyo diyaarinta warbixinta waxqabadkii muda xileedkii hore ee Dowladda.
…DHAMMAAD…
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.





