Garoowe: 08 April 2024:
Agaasimaha Waaxda Gaadiidka ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Ayaa Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Hawlaha ee Magaalada Garoowe kulan kula qaatay Injineeradda Shirkadda Pii-tech oo Ka mid ah shirkadaha ka hawlagala Puntland.
Ujeedka shirkaan ayaa ahaa Dardargelinta Cashuuraha gaadiidka iyo sidii loogu shaqayn lahaa Habka《System》cusub oo dhowaan lagu soo kordhiyey Waaxda Gaadiidka, kaas oo u suurta gelinaaya ogaanshaha Gaadiidka Puntland, inta la Cashuuray iyo inta aan la Cashuurin.
…DHAMMAAD…
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.









