Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ayaa dhagax dhigay Wadada Jaamacadda Bariga Africa.

Garoowe: 21 October 2024:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Geylan, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Masuuliyiinka tirsan Dowladda Puntalnd, ayaa dhaggax dhigay Wadada Jaamacadda Bariga Africa.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 630m, ayaa isku xirta Wadada weyn ee Garoowe iyo Buundada labaad ee magaalada waxayna hormartaa Jaamacadda Bariga Africa, waa Waddo muhim u ah isu socodka magaalada taasi oo hadii laami laga dhigo waxbadan kusoo kordhinaysa caasimadda .

Dhismaha Wadooyinka cusub iyo dayactirka Kuwii horey loo dhisay ayaa si xawli ah uga socda caasimada Garoowe, waana qeyb ka mid ah qorshaha Dowladda hoose ee horumarinta adeega dadweynaha loo hayo, si Garoowe loogu diyaariyo Caasimad la jaan qaadaysa caasimadaha adduunka.

  • DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *