Boardka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray waxqabadkii la qabtay lixdii bilood ee la soo dhaafay iyo guulaha laga gaaray macarid hirgalay.

Kulanka waxaa sidoo kale lagu falanqeeyey qorshayaasha socda iyo habka ugu habboon ee lagu xaqiijin karo hirgelintooda, si loo dardargeliyo horumarka kaabeyaasha waddooyinka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga dooday dhismaha jidka weyn ee isku xira Gaalkacyo iyo Boosaaso, gaar ahaan mashruuca dayactirka jidka Gaalkacyo–Bacaadwey. Waxaa lagu qiimeeyey halka uu marayo mashruucu, caqabadaha jira iyo xalalka lagu horumarin karo.

Ugu dambayn, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo mashaariicda socda, lana hubiyo tayadooda, iyadoo sidoo kale Board-ku ku balamay inuu si joogto ah u kormeero shaqooyinka socda.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubnaha Board-ka Hay’adda Waddooyinka Puntland, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Wasiirka Maaliyadda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada, xubno ka socday Rugta

Ganacsiga, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *