Cabdulqaadir Maxamed Geylan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Goobo Muhiim ah oo Ka Mid ah Magaalada Gaalkacyo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Puntland oo Kormeer Shaqo Ku Tegay Goobo Muhiim ah oo Ka Mid ah Magaalada Gaalkacyo.

Gaalkacyo, 13-04-2025:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Dowladda Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland, Mudane Cabdiqadir Abdulqadir Gaylan, ayaa saaka kormeer shaqo ku tegay baliga weyn ee Cirjiife iyo goobo kale oo ay ka mid yihiin xarumaha lagu hirgelinayo interlock-ga iyo wadooyinka ay ka socoto shaqada dib u habeynta iyo dayactirka ee gudaha magaalada Gaalkacyo.

Kormeerkan waxaa wehliyey, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), Cabdifitaax Maxamed Sugulle, Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha ee Gobolka Mudug Salah Cabdirisaaq Hassan (Badbaado), Degmada Gaalkacyo Maxamed Cabdirisaaq Dacad, xildhibaano ka tirsan Dowladda, qaar ka mid ah Injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud, Maamulka xaafadda Israac, injineerro ka socda Dowladda Hoose, Ganacsato, iyo Masuuliyiin kale.

Mas’uuliyiinta ayaa si toos ah lug ugu maray goobo ay ka mid yihiin biyo-booliyada Magaaladda iyo meelo loo qorsheynayo in loo isticmaalo marin-biyood si wax looga qabto dhibaatada biyo-istaagga iyo daadadka Roobabka, Sidoo kale waxay booqdeen goobaha cusub ee lagu talinayo in la baneeyo si ay uga qeyb qaataan fududeynta qulqulka biyaha Roobka iyo in la yareeyo saameynta ay ku yeeshaan Bulshada.

Intii uu socday kormeerka, Duqa Degmada iyo mas’uuliyiintii ayaa muujiyey baahida degmada Gaalkacyo u qabto Mashruucan iyagoona balan qaaday in Degmada iyo Shacabkeedu Diyaar u yihiin Garab istaaga Mashruucan wax badana ka bedeli doono Bilicda Magaalada Gaalkacyo.

    ------------------‐--DHAMMAAD--------------------------

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *