Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda Hawlaha Guud ku soo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor.

Gorowe, 21 May 2025Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Agaasimaha Guud ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee magaalada Garowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo maalmihii la soo dhaafay kormeer shaqo ku maraayey hay’addaha dowladda.

Mudane Ilyas Osman Lugatoor madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland ayaa la kulmay masuuliyiinta iyo  hawl waddeenada Wasaaradda Hawlaha Guud, waxaana loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan shaqooyinka iyo qorsheyaasha socda ee wasaaradda.

 Madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Masuuliyiinta iyo Hawl waddeennada wasaaradda ku booriyay inay sii laba jibbaaraan adeegyada Dowladda ee bulshada si loo dardar geliyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ay wasaarradu gacanta ku hayso.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *