Garowe, 11-11-2024:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo ay weliliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda Abdulqadir Gaylan, Agaasimaha Guud Cabdulqaadir Sheekh Maxamuud iyo qaar ka mid ah Injineeradda Wasaaradda ayaa waxa ay kulan la qaateen kooxda Mashruuca Nagaad ee ka socota Bangiga Adduunka (World Bank).
Kulankaan ayaa xoogga lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac, iyada oo laysaga kaashanayo horumarinta mashaariicda socda iyo kuwa soo socda oo ay kamid tahay mashruuca dhismaha buundada Garowe oo ah mid muhiim ah u ah isku socodka.Kooxda Mashruuca Nagaad iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka, qorsheynta Magaalooyinka, iyo kaabayaasha Biyo-saarka Magaalooyinka, si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku salaysan baahiyaha bulshooyinka deegaanka.
Shirkan ayaa noqonaya mid muhiim ah oo horseedi doona in la xaqiijiyo hirgelinta mashaariic waxtar u leh Dalka oo tayadooda si buuxda loo damaanad qaadayo, isla markaana kor loogu qaadayo habka lagu maareeyo dhammaan mashaariicda socda iyo kuwa soo socda.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

















