Guddiga Biyo ka saarinta Magaalada Gaalkacyo ayaa kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Garowe warbixin kaga dhegaystay injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud ee gacanta ku haya qorshaha mashruucan.

Garowe, 28-10-2024:
Guddiga Biyo ka saarinta Magaalada Gaalkacyo ayaa kulan ay isugu yimaadeen Magaalada Garowe warbixin kaga dhegaystay injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud ee gacanta ku haya qorshaha mashruucan.

guddigaan oo isugu jira Golayaashada dawladda ayaa muddo ku hawlanaa sidii Magaalada Gaalkacyo looga saari lahaa biyo fadhiista iyo kuwa xidha isu socodka Mgaalada ee dadka iyo gaadiidka xili Roobaadka, mashruucan ayaan dhowaan laga bilaabi doonaa magaalada Gaalkacyo iyadoo Injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud diyaariyeen sidii xal waara loogu heli lahaa.

– DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *