Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud H.E Farah Awad, ayaa xarunta dhexe ee wasaaradda si rasmi ah uga daahfuray shirkadda Dayactirka Badqabka Baabuurta ee (DBB).

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland, Mudane H.E Farah Awad, oo ay Weheliyaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Abdulqadir Gaylan, agaasimaha Guud Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Waddooyinka Puntland ayaa xarunta dhexe ee wasaaradda si rasmi ah uga daahfuray shirkadda Dayactirka Badqabka Baabuurta ee (DBB).

ujeedkeedka furitaanka shirkaddaan ayaa ahaa in kor loo qaado badqabka Baabuurt, iyadoo la eegayo in Gaadiidka Isticmaala Waddooyinka Puntland uu yahay mid la hubiyey Badqabkiisa isla markaan lagu halayn karo Dadka iyo hantidooda.

Wasiirka Wasaaradda oo daahfuray shirkaddaan ayaa sheegay in Amniga iyo badqabka Wadooyinka ay tahay mas’uuliyad waddareed, isagoo ku dhiirrigeliyey Waddayaashada Gaadiidka inay adeegsanayaan shirkadda Dayactirka Badqabka Baabuurta (DBB) si ay u hubiyaan badqabka Gaadiidkooda, Dhanka kalena shacabka reer Puntland ugu baaqay inay ku baraarugsanaadaan muhiimadda ay leedahay ilaalinta badbaadadooda iyo in ay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha Ammaanka iyo shirkadaha adeegyada dayactirka ee ka jira Puntland.

Wasiirku wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyey in adeegyada cusub ee shirkaddan ay wax weyn ka tari doonaan yareynta shilalka waddooyinka iyo badbaadinta nolosha shacabka reer Puntland.

– DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *