Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dawladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray suuq casri ah oo ay dhistay hay’adda Islamic Relief. Munaasabadda daahfurka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiir ku xigeenadda Wasaarradaha Arihama Gudaha, Ganacsiga, mas’uuliyiin sare oo ka socday hay’adda Islamic Relief, Maamulka Gobolka Sanaag iyo kan Degmada Badhan.
Suuqan cusub ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay hay’addu ka fuliso gobolka, waxaana laga filayaa inuu kor u qaado ganacsiga iyo dhaqaalaha bulshada deegaanka.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay hay’adda Islamic Relief doorka ay ka qaadato horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Puntland.
dhanka wasiirka ay sheegay inay dawladdu usoo jeesatay hormarinta gobolka sanaag, bulshaduna inay qayb kanoqoto hormarinaha kala duwan ee dawladu kawado gobolka.
Mas’uuliyiinta hay’adda Islamic Relief ayaa dhankooda sheegay in suuqan uu qayb ka yahay dadaallada hay’addu ku taageerayso bulshada si loo abuuro fursado dhaqaale oo waara.














