Wafti ka socda Labada Gole ee Dowladda Puntland oo uu ka mid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdulqadir Geylan oo Kormeer Shaqo ku Tagay Degmada Jariiban.

Wafti ka socda Labada Gole ee Dowladda Puntland oo Kormeer Shaqo ku Tagay Degmada Jariiban.

Wafti ballaaran oo ka kooban Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan labada gole ee dowladda Puntland, una wehlinayay Maamulka Gobolka, ayaa safar shaqo ku tagay degmada Jariiban. Ujeeddada safarka ayaa ahayd kormeer iyo qiimeyn ku saabsan xaaladda deegaanka iyo horumarka ka socda halkaas.

Intii ay joogeen gobolka, waftigu waxay kormeereen dekedda Garacad, maxjarada xoolaha ee ku yaalla Buubi, iyo xarumo kale oo dowladeed. Kormeerkaas ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo dardargelin lahaa adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee deegaanka.

Waftiga ayaa sidoo kale kulan la qaatay maamulka degmada Jariiban iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si ay u dhegaystaan baahiyaha ka jira deegaanka loona xoojiyo wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka.

Intaa kadib, masuuliyiinta ayaa kulan gaar ah la yeeshay maamulka shirkadda dhismaha dekedda Garacad, halkaas oo looga dooday horumarka mashruuca, caqabadaha jira, iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee dhammaystirka dekeddaasi muhiimka u ah horumarka guud ee gobolka.

………………DHAMMAAD……………

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *