Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo gaadiid daahir qaliif oo maanta kahadlayay tobar loo qabtay ilaa 70 qofood oo kakala socday wasaarada maaliyada wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka ciidanka taraafikada iyo hay’ada xog uruurinta gaadiidka kuwaas oo loo tobarayay nidaanka gaadiidka ,daqli uruurinta iyo nidaamka darawaliinta kahawgala puntland ayaa sheegay in qolyahii canshuuraadka ee kujiray dadkii maanta loosoo gabagabeeyay tobabarka looga baahanyahay in ay hoos udhigaan cabashooyin lasheegay in ay ka imaanayaan darawalinta gaadiidka.
Wasiirka ayaa cabashooyinkaasi ku tilmaamay in ay tahay dhinaca canshuuraadka oo darawaliintu dhibaato kala kulmaan baraha koontarool ee lagu hubiyo in gaadiidku ay bixiyeen lacagta camnshuuraadka ee labixiyo bilowga bil kasta.
Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ayaa sheegay in darawaliintu ay xaq uleeyihiin in aan wax lacag ah laweydiin ilaa ay gaareen meeshii ay rakaabka u ahaayeen hadalkaan ayaa wasiirku waxa uu ku micneeyay in gaadiidka ay caqabad kala kulmaan baraha koontarool oo inta badan gaadiidka lagu qasbo ay san ka bixi karin magaalada ama aysan gudaha ugali karin ilaa ay bixiyaan canshuuraadka dawladu uqoondoosay waxaana taasi wasiirku ku sheegay in ay hoos udhigayso xiriirka kadhaxeeya wasaarada hawlaha guud iyo dawaraliinta iyadoona wasiirku sheegay in darawaliinta iyaga isasaaraan masuuliyada qaadista canshuuraadka.
Hadalkaani kasoo baxay wasiirka wasaarada hawlaha guuud iyo gaadiidka ayaa rajo wanaagsan waxa ay unoqonaysaa gaadiidleyda oo dhibaatooyin kuqabay qaadista canshuuraadka sida uu hore carabka ugu dhuftay wasiirka hawalaha guud iyo gaadiidka.

