Galkacyo, 28 April 2024:
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqadir Geylan ayaa ka galay furitaanka Shirweynaha Nabadda Galbeedka Gobolka Mudug ee Beelaha Sacad iyo Leelkase.
Shirweynahaan ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Puntland iyo JFS, Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Maamulada Gobolka Mudug, Odayaasha dhaqanka Beelaha Leelkase iyo Sacad, Culimo iyo Marti sharaf kale.
Beelaha walaalaha ah ee Leelkase iyo Sacad oo wadda degga Galbeedka Gobolka Mudug ayaa waxaa dhexmaray Colaado sokeeye oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, Waxaase maantay Gogol nabadeed dhigay Degmada Gaalkacyo Beesha Sacad, si looga xaajoodo xal waarana looga gaadho colaadaha soo noqnoqday ee Beelahaas.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Geylan ayaa madashaan uga mahadceliyey Dhaqanka iyo waxgaradka Beelahaas, cod dheerna ugu sheegay in xal waara ay ka gaaraan Colaadaas sidoo kalena la dhaqan geliyo xalkasta oo ka soo baxa madashaan.
…DHAMMAAD…
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.











