Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Farah Awad oo Daahfuray wajiga koowaad ee Dayactirka Jidka u dhaxeeya Degmooyinka Qardho iyo Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Farah Awad ayaa maanta Daahfuray wajiga koowaad ee Dayactirka Jidka u dhaxeeya Degmooyinka Qardho iyo Garowe oo laga qabanayo howlo godod buuxin, iyo laami balaadhin ah.Daahfurka Shaqadan waxaa ka Wasiirka Wasaaradda Howlaha Isuduwaha Wasaarada Hawlaha Guud ku weheliyey Xildhibaano, Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Waddooyinka PHA, Agaasimaha Guud Wasaaradda Howlaha Guud, Ganacsato iyo Maamulka Degmada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Wajiga Koowaad ee shaqada Dayactirka ayaa ku bilowday hab isku tashi ah oo ay iska kaashanayaan Isuduwaha Wasaarada Hawlaha Guud, maamulka Degmada iyo Dadka Deegaanka.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda PHA, Abdirazak Mohamed Hayir, ayaa ka warbixiyay shaqada hay’addu bilowday iyo qorshaha guud ee lagu hormarinayo Jidadka Puntland.

“Waxaan maanta Dalacadda Karin Dhiig ka bilownay shaqo dayactir ah maadaama halkan ay ka dhacaan shilal joogto ah, Wasaaradda iyo Hay’addana ay ka soo gaarayeen cabashooyin ka imaanayay gaadiidlayda,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenku

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Faarax Cawad oo Daahfuray shaqadan ayaa Hawl wadeennada Gacanta ku haya shaqadaan kula dardaarmay in ay Masuuliyad iska saaraan Dayactirkaan, sidoo kalena sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ay markasta u taagan tahay Sidii dib u dhis loogu samayn lahaa Waddooyinka Puntland.

…DHAMMAAD…

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *