Garowe: 30-April-2024:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Farah Awad oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa ka qayb galay Xaflad lagu daahfuraayey Daraasadda Biyaha looga saarayo Magaalada Garoowe.
Munaasabadaan ayaa diirada lagu saarayey daraasaddan la doonayo in lagu ogaado xalka u helista sidii Magaalada looga saari lahaa Biyaha, waxaan ka qayb galay Masuuliyiin ka tiran Dowladda Puntland iyo Marti sharaf kale.
Faarax Cawad Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in loo bahan yahay in xal loo helo biyaha Maadaama ay waxyeelo u geystaan Jidadka iyo Bilicda Magaalada, sidoo kale Dadweynaha ku dhaqan Magaalada ugu baaqay in laga qayb qaato Xal u helista Biyaha Magaalada.
…DHAMMAAD…
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.


























