Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Geylan oo ka qayb galay shirka nabadayta Beelihii Dirirtu ku dhex martay waybo ka mid ah Gobolka Mudug.

Mudug, 28-06-2024:

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Geylan oo hawla shaqou jooga Gobolka Mudug ayaa ka qayb galay Shir Balaadhan ooxal xoogu raadiyo Beelihii walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhexmartay Gobolka Mudug.

Shirkaan waxaa wasiir ku xigeenka ku weheliyey Wasiiro, Xildhibaano, Maamuladda heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka Mudug iyo Taliyeyaasha qaybaha Booliska Gobolka Mudug.

Shirkaan ayaa ka dhacay aaga Maygaagta oo u dhaxeeya Saaxo qurun iyo jiicboor oo uu shalay Dagaal ku dhexmaray labada maleeshiyo Beeleed oo walaalo ah oo wada daga Galbeedka Gobolka Mudug, waxaana looga hadalay sidii loo heli lahaa nabad waarta oo Deegaanadaas laga hirgaliyo ayadoo labada Maamul ay iskaashanayaan.

Ugu dambayn shirkaasi wuxuu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad waxaan kasoo baxay 4 Qodob oo la isku afgartay.

1. In xabad joojin la sameeyo Shuruud la’aan ah.
2. In lakala raro ciidamada labada Maleeshiyo oo laga kaxeeyo furimaha Dagaalka.
3. In la qabto guddi labada dhinac ah oo ka shaqeeya in wada hadalku furmo loogana hadlo Dhulka isla markaana ay dul joogteeyaan Puntland iyo Galmudug.
4. In ciidan isku dhaf ah oo ka kooban labada Maamul la dhexdhigo.

——-DHAMMAAD.————-


XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *