Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo dhagax dhigay Suuq weynaha Magaalada Badhan.

Badhan, 14-06-2024:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo uu weheliyo Agaasimaha guud Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa dhagax dhigay Suuq weyn oo ay yeelanayso Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Waxaa sidoo kale dhagax dhigaan ku weheliyey Madaxa Hay’adda Islamic Relief, Isuduwaha Wasaaradda Hawlaha Guud ee Gobolka Sanaag, qaar ka mid ah Injineeradda Wasaaradda, Maamulka Gobolka, Maamulka Deg. Badhan iyo Masuuliyiin kale waxaana ay Masuuliyiintan balan qaadeen in Muddo laba Bilood ah lagu soo gabagabayn doono dhismaha Suuqan oo ka koobnan doono qaybo kala duwan, isla markaana u dhisan si casri ah oo qalabkiisuna u dhamaystiran yahay.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *