Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Geylan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo Warbixin ka dhegaystay Masuuliyiin ka socda Dawladda Hoose ee Garoowe.

Garowe, 04-06-2024:

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Cabdulqaadir Geylan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Injineeradda Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa Hoolka Wasaaradda warbixin kaga dhegaysatay Isku xiraha mashruuca nagaad ee world bank ku teegeerayo Dawladda hoose ee Garoowe iyo Engineero ka socda hay’adda kormeeraysa mashruuca ee UNOPS.

Waxa ayna halkaas ku soo bandhigeen shaqooyinka ay qabteen sida Waddooyinka laga hirgeliyey Degmada Garoowe iyo kuwa socda oo ay qayb ka yihiin dhismaha Buundada Garowe iyo Sahanka Biyo ka saarida Magaaladda oo Meel wanaagsan marayaa.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa kula Dardaarmay in la tayeeyo shaqooyinkan, sidoo kalena ay Wasaaradda Hawlaha Guud kormeer joogto ah ku samayn doono habsami u socodkooda.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *