Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo Daahfuray 1,000 Gurri oo loogu Talagay Barakacayaasha Magaalada Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulkaaqdir Sheekh Maxamuud iyo Duqa Magaaladda Garoowe abdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddiayaa daahfuray Wajiga koowaad ee Dhismayaasha Xaafada Cusub ee Magaalada Garoowe.

dhismayaashan oo gaadhayey 1,000 Guri ayaa loogu talagalay Dadka barakacayaasha ah ee ku tabaalaysan guryaha Ka samaysan Jiingadaha oo xilliyada qaybtood aan Gabaad noqon karin iyadoona wajigga kowaad si toos ah maanta loo daahfuray.

Xaafadaan Cusub oo ay u dhamaystiran yihiin Goobihii Arimaha Bulshada, una naqshadaysan si Casri ah ayaa durba Qoysaskii loogu talagalay ay soo degeen iyagoona Dawladda Puntland Uga mahadceliyey Garab istaagan.

H.E Farah Awad Jama Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa Qoysaskan kula dardaarmamy ilaalinta Guriyahaan iyo Jidaddka Waafiga ah ee loogu talagalay, sidoo kalena faray in bilicda xaafdaan ay tahay waajibaadka saaran loona Baahan yahay Ilaalinteeda si joogto ah.

+24

See insights and ads

Boost post

All reactions:

1Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *