Garowe, 08-06-2024:
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo kulan la qaatay Masuuliyiin ka socday hay’adda Islamic Relief.
Kulankaan waxaa wasiirka ku weheliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda @Cabdulqaadir Geylan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Injineerada Wasaaradda waxaana kulankaan diirada lagu saaraayey dar dar gelinta mashruuca suuqa Magaalada Badhan, iyadoona lagu lafaguray wakhtiga la bilaabayo mashruucu iyo sidii loo ilaalin lahaa tayada dhismaha loona kormeeri lahaa.
Waxaa kale oo kulankaan lagaga hadlay kor u qaadida wada shaqaynta Wasaaradda iyo hay’adda si loo Dardargeliyo loona tayeeyo mashaariicda laga fulinaayo Dowladda Puntland.
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.














