Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane Faraax Cawad Jaamac oo kulan la qatay Masuuliyiin ka socday Dowladda Hoose ee Degmada Garowe.

Garowe, 29-05-2024:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo kulan la qatay Masuuliyiin ka socday Dowladda Hoose ee Degmada Garowe.

Kulankaan waxaa wasiirka ku weheliyeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cabdulqaadir Geylan, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Cabdimaalik Cismaan iyo Injineero ka tirsan Wasaaradda ayaa waxa ay warbixin kaga dhegaysteen Masuuliyiinta Ka socday Dowladda hoose Magaalada Garowe.

Waxaa kale oo kulankaan diirada lagu saaray sidii loo joogtayn lahaa kulamada Wasaaradda iyo Dowladda Hoose si loo Dardargeliyo loona tayeeyo shaqooyinka loogu adeegyo Bulshada.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *