Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta Dowladda Puntland Mudane Farah Awad Jama oo kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Ceel-daahir ee G. Bari.

Ceeldaahir, June 12, 2024:

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland Mudane H.E Farah Awad Jama oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Carmo iyo Waxgaradka Deegaanka Ceeldaahir.

Kulanka waxaa kale oo goobjoog ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga,Qaar ka mid Guddiga waddada Ceeldaahir iyo Masuuliyiin kale waxaana looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa Jidka Magaalada Dhexdeeda ah oo Meelo ka Burbursan iyo Sidii loo bilaabi lahaa Shaqada Waddada Ceeldaahir.

Markii uu soo idlaaday kulankaan Wasiirka Wasaaradda Wasaarada Hawlaha Guud, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo ay weheliyaan Masuuliyiintii kale ayaa kormeeray Meelaha Waddadu ka burburtay ee Magaalada dhexdeeda ah, iyagoona qiimayn ku sameeyey inta uu leeg yahay burburkaan.

Dhan kale Masuuliyintan uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa Kormeeray Xarunta Agabka Waddada Ceeldaahir-Badhan isagoona tirakoob iyo indho-indhayn ku sameeyey Agabka yaal oo sidoo kalena Guddiga uga mahadciyey Gacan ku hayntiisa.

-DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD, GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *